Laba qarax oo kudacay dalka Hindiya

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption qarax ka dhacay goob tareenada laga raaco ee dalka Hindiya

Haweeney ayaa ku dhimatay, sagaal qof oo kalena way ku dhaawacmeen Qarax Bambo oo ka dacay tareen gudihiisa, kaasoo taagnaa bostaaja ku taalla koofurta magaalada Chennai ee dalka Hindiya, sida ay shegeen madaxda.

Qaraxyadan ayaa la sheegay inay ka daceen labada dhinac ee laga galo tareenka.

Dhacdadaan ayaa timi daqiiqada kadib marki tareenka uu imaaday boosteejada.

Madaxda ayaa uu sheegay BBC-da in ay qaraxyadaasi aynan aheyn kuwa aad uu xoog badan, ayna ka dheceen kuraasta rakaabka hoystooda.

Qaraxyadan ayaa imaaday iyadoo ay socdaan doorashada guud ee Hindiya, balse saraakiisha ayaa sheegay inaysan xaqiijin Karin xiriirka ka dhexeeyo doorashada iyo qaraxa.

Talefishinada qaar ee dalka Hinidiya ayaa warbixin aan lahubin ka bixiinaya dadka loo maleynayo in ay qaraxada kadambeyeen, balse dowladda ayaa sheegay in ay arintan ay si fiican u baarayaan.