Dad dhulka la go'ay Afghanistan

  • 3 Maajo 2014
Image caption Kooxo isku deyaayo inay badbaadiyaan dad uu dhulka la go'ay

Dad gaaraya 2500 oo qof ayaa ila aiyo hada la la'yahay dalka Afghanistan ka dib markii dhulka oo go'ay uu keenay inay dumaan guryihii ay dadkaasi ku jireen.

Kooxaha gurmadka ah ayaa sheegaya inay wadaan soo saarista maydadka iyagoo ka soo dhex saaraya ciida ama carada go'day.

Gobolka ay mashaqadan ka dhacday ee Badakhshan ayaa ah mid ku yaala buuralayda u dhaxaysa gobolka Tajakistan ee xiga xuduuda dalka Shiinaha.

Mashaqadan dhulka go'ay ayaa waxay dhacday maalintii Jimcaha ahayd oo ah maalin dadku ay nasanayeen oo shaqo aysan jirin.

Sidoo kale goobaha ay dadku ku dhamaadeen waxaa ka mid ah meel uu aroos ka socday markii uu dhulka go'ayay.