Dad laga masaafuriyay Congo Brazzaville

Image caption labada Congo oo dad iska kala masaafurinaya

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo waxaa ay sheegtay in ku dhowaad lixdan kun (60,000) oo qof oo muwaadiniinteeda ah in laga soo masaafuriyay wadanka aad-ka u yar ee ay deris-ka yihiin ee Kongo Brazzaville. Masaafurintaasi waxaa ay dhacday bishii hore.

Congo Brazzaville waxaa ay sheegtay in tarxiilkaasi uu qayb ka yahay hawlgal weyn oo dalkooda ay uga saarayaan soogalootiga sharcidarada ah.

Waxey ku eedeeyeen in joogitaankoodu uu kor u qaaday dambiyada kadhacaya wadankooda.

Weriyaha BBC-da ee dalkaasi waxa uu sheegay in masaafurin dad intan la eg ay aad ugu yartahay dalkaasi oo aysan weli ka dhicin.

Jamhuuriyada dimuqraadiga ah ee Kongo waxaa ay sheegtay in ay baareyso eedaymo sheegaya in dadka laso masaafuriyay ay sixun ulla dhaqmen askartii Congo Brazzavile ee hawlgalkaasi kaqaybqaatay.

Wasiir kuxigeenka wasaarada arimaha dibada ee Jamhuuriyada Dimuqraadiga ah ee Congo, waxaa uu sheegay in xukuumadiisu ay kawalaacsan tahay habka ay adegsaden saraakiishu markii ay dadka kasoo gudbinayeen wabiga.

Balse majirto faafaahin laga bixiyay dhaqamada la sheegayo in lagula kacay dadkii la tarxiilay.

Labadaasi dal waxaa ay leeyihiin xiriir dhow oo ganacsi iyo mid qawmiyadeed ah.

Sidoo kale caasimadaha dalakaasi ee Kinshasa iyo Brazzaville waxaa kala qaybiya oo kala dhexmara wabiga Kongo.

Duqa magaalada Brazzaville waxaa uu shegay in askarigii lagu helaa in uu tacadiyo geystay in sharciga lahorgayn doono.