Qarxyo lagu dhintay oo ka dhacay Mombasa

  • 3 Maajo 2014
Qarax ka dhacay magaala xeebeebka Mombasa ee dalka Kenya

Wararka ka imaanaya magaalada Mombasa ee gobolka xeebta ee dalka Kenya ayaa sheegayo in qaraxyo ay ka dheceen halkaasi.

sida ay qorayaan wargeysyada dalkani Kenya, dhimashada qaraxa ayaa sare u kacday, waxayna gaartay ku dhowaad shan qof, kuwaas oo ku dhintay saddex qarax oo ka dhacay magaalada Mombasa.

Qaraxa ayaa burburiyay qeyb ka mid ah xarunta ay ka baxaan basaska shirkadda Chania kaasoo ka sheqeeyo inta u dhexeyso Mombasa illaa magaalada thika.

Waxaana la sheegayaa in dad ay ku dhaawacmeen qaraxyadaasi ka dhacay magaalada xeebta ku taalla ee Mombasa ee dalka Kenya.

Qarax kale ayaa ka dhacay hotel ku yaallo xeebta Nyali, balse lama soo sheegin dhimasho iyo dhaawac midna.

Majirto cid sheegatay qaraxyadan illaa iyo hadda, waxayna imaanayaan iyadoo Kenya ay ka socdaan howlgalo ballaaran oo lagu xoojinayo amniga sida ay dowladda sheegtay.