Shir caalami ah oo ka furmaya Nigeria

Lahaanshaha sawirka
Image caption Qarax laba habeen ka hor ka dhacay magaalada Abuja oo lagu wado inuu shirka ka furmo

Madaxweynaha dalka Nigeria Goodluck Jonathan ayaa amar ku bixiyay in isbuuca dambe la xiro dhammaan iskuulada iyo xafiisyada dowladda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in magaalada Abuja uu ka furmayo shir caalami ah, sidaa darteedna loo joojinayo shaqada dowladda.

Boqolaal qof oo isugu jira siyaasiin iyo hoggaamiyeyaal dhanka ganacsiga oo uu ka mid yahay ra'iisal wasaaraha Shiinaha Li Keqiang ayaa lagu wadaa in ay ka soo qayb galaan shirkaasi.

Kullankaasi oo furmaya maalinta arbacada, waxaana looga hadlaayaa arrimaha dhaqaalaha aduunka.

Mas'uuliyiinta ayaa sheegaya in lasoosaaray uu yahay mid lagu xaqiijinayo isu socodka gaadiidka muddadaasi saddexda maalmood ah ee shirka uu socondoono.

Magaalada Abuja, ayaa dhawaan waxaa ka dhacay laba qarax oo ay ku dhinteen tiro dad ah.

Kooxda islaamiga ee Boko Haram ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxa koobaad.

Afhayeenka madaxweynaha Nigeria, ayaa internetka ku baahiyay in madaxweynaha beri uu meel fagaaraha kala hadli doono dadka dalkaasi.

Waxa ugu weyn ee uu ka hadli doono ayaa la sheegayaa inay tahay xaaladihii ugu dambeeyay ee dhanka amniga.