Li Keqiang oo Afrika booqanaya

Lahaanshaha sawirka chinese service
Image caption Dhismo lagu iibiyo alaabta Shiinaha oo ku yaalla magaalada Lagos ee dalka Nigeria

Ra’iisul wasaaraha dalka Shiinaha Li Keqiang waxaa u bilaabanaya booqasho uu ku marayo qaar kamid ah dalalka qaaradda Afrika.

Waxa uu booqan doonaa Mr Li, dalalka Itoobiya, Nigeria, Angolo iyo dalka Kenya.

Mr Li ayaa shirkadaha dalka Shiinaha ee Afrika ku baraarujiyay inay u hogaansamaan xeerarka iyo sharciyada wadamada ay ka shaqeeyaan.

Sidoo kale waxa uu u sheegay inay eegaan tayada mashaariicda ay qabanayaan iyo inay masuul iska saaraan hormarinta bulshooyiinka iyo bey’ada.

Mr Li ayaa sidoo kale ballanqaaday inaysan marna shiinaha isku deyeynin in Afrika ay isku deydo inay si dadban u gumeysato.

Wakaaladda wararka u faafiso Shiinaha ee Shinwaa (Xinhua) ayaa lagu sheegay in xiriirka ganacsiga ee ka dhexeeya Shiinaha iyo Afrika inuu gaaray 210 bilyan oo dollar sanadkii tagay.

Balse waxaa jiro eedeymo ah in dhismayaal liito iyo xushmad la’aanta xuquuqda aadanaha iyo deegaanka oo ay ka dameeyaan shirkadaha shiinaha ee Afrika ka shaqeeyo.