Dowladda S Sudan oo ku duushay Bentiu

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Ciidamada dowladda oo u dhaqaaqay dhanka magaalada Bentiu

Xoogagga dowladda South Sudan ayaa u dhaqaaqay dhanka magaalada saliidda hodanka ku ah ee Bentiu, taasoo mucaaradka ay qabsadeen bishii hore.

Weriye BBC-da ka tirsan oo kusugan xarrun ay Qaramada midoobey leedahay oo ku taalla duleedka magaalada Bentiu ayaa sheegay inuu maqlayay madaafiic aad u culus oo la is dhaafasanayay.

Waxaa kaloo uu xaqiijiyay inuu arkay gawaarida gaashaaman ee dowladda oo kusii qulqulayay dhanka bartamaha magaalada.

Qaramada midoobey ayaa sheegtay in mucaaradka ay dileen boqollaal qof oo rayid ah tani iyo markii ay qabsadeen magaalada Bentiu.

Dagaalkan ugu dambeeya ayaa imaanayo iyadoo madaxweyne Salva Kiir uu u sheegay xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry inuu u diyaar garoobayo wadahadal uu la yeesho hogaamiyaha mucaaradka ee Riek Machar.

Mr Kerry oo laba maalin ka hor booqday magaalada Juba, waxa uu sheegay in dhinacyada South Sudan haddii ay heshiis gaariwaayaan inay cunaqabateyn ay saari doonaan shaqsiyaadka ka dambeeyo qalalaasaha.

Magaalada Bentiu ayaa dhowr jeer lakala qabsaday tani iyo markuu dagaalka ka bilowday dalkaasi Bishii December ee sanadkii tagay, ee 2013-ka.