Baaritaanka dad lagu laayay Ukraine

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dad badan oo ku dhintay magaalada Odessa

Ra’iisul wasaaraha ku meelgaarka ah ee dalka Ukraine, Arseniy Yatsenyuk ayaa u sheegay BBC-da inay bilaabeen baaritaan lagu sameynayo dadkii tirada badnaa ee ku dhintay bannaan-bax ka dhacay magaalada Odessa ee koofurta dalkaasi.

Mudaaharaad-yada oo dhacay maalintii Jimcaha, dadka ku dhintay waxay ahaayeen taageerayaasha Ruushka ee ka soo horjeeda maamulka dalka Ukraine hadda ka arrimiya.

Mr Yatsenyuk waxa uu ku eedeeyay ciidamada dowladda inay ku guuldareysteen ka hortagidda dhimashada, wuxuuna xaqiijiyay inuu shaqada ka ceyriyay taliyihii booliska ee magaalada.

Iyadoo weli ay socdaan rabshadaha magaalada Bariga dalkaasi ku taalla ee Slavyansk, Mr Yatsenyuk waxa uu qiray in xukuumadiisa aysan si buuxda u maamulin gobolka.

Waxa uu tilmaamay in ay socdaan howlgalada dib loogu qabsanayo magaalooyiinka ay maamulaan dad uu ku tilmaamay argagixiso, oo uu ula jeediyo kooxaha daacadda u ah maamulka Ruushka.

Wuxuuna intaa raaciyay inuu ka shaqeynayo wax kastoo suurtagal ka dhigi karo amniga iyo xasiloonida dalka Ukraine.

Mr Yatsenyuk, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu isku deyaayo inuu curyaamiyo wadaxaajoodyada siyaasaded ee dalka Ukraine.