Madaxweynaha Nigeria oo dadweynaha ka codsaday in la caawiyo

Nigeria Lahaanshaha sawirka .
Image caption Madaxweynaha Nigeria ayaa qiray in dowladda aanay ogayn halka lagu haya gabdhaha la afduubay.

Madaxweynaha Nigeria, Goodluck Jonathan, ayaa qiray in saraakiisha ammaanka ee dalkaas aanay ogayn halka lagu hayo in ka badan 200 oo gabdhood oo la afduubay.

Muddo saddex toddobaad ayaa laga joogaa markii gabdhahan laga afduubay iskuul ku yaalla gobolka Borno, ee woqooyi-bari Nigeria.

Goodluck ayaa markii ugu horreysay ka hadlay gabdhahan la afduubay.

Madaxweynaha ayaa qiray in in kasta oo militeriga ay baaritaan sameeyeen iyagoo adeegsanaya diyaarado, aan haddana weli gabdhahaas la helin.

Balse waxaa uu ballan qaaday in gabdhahaas la soo badbaadin doono.

Waxaa uu ehellada gabdhaha iyo dadka degaanka uu afduubka ka dhacay ka codsaday inay dowladda ka caawiyaan sidii gabdhaha lagu heli lahaa.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan