Ban Ki-moon oo gaaray S Sudan

Ban Ki-moon Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay ayaa gaaray South Sudan

Xoghaya guud ee Qaramada midoobay Ban Ki-moon ayaa booqday South Sudan, dadaal lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda ka taagan halkaas.

Dagaallada wadanka Sudan ayaa waxaa ku barakacay dad ka badan hal milyan oo ruux.

Ban Ki-moon ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxwayne Salva Kiir oo oggolaaday in uu wadahadal la yeesho hoggaamiyaha mucaaradka Riek Machar

Booqashada ayaa ku soo beegmaysa iyadoo ciidammada dawladda ay qaadeen dagaal ka dhan ah fallaagada.

Isku dayga ciidammada dawlaladda ee ahaa in ay dib u qabsadaan magaalada Bentiu ee qaniga ku ah saliida, ayaa noqday mid aan suuragelin, kaddib markii ay dib u soo riixeen ciidammada fallaagada.

Xoghaya Arrimada Dibedda ee dowlada Maraykanka ayaa ka digay in cunaqabatayn lagu soo rogi karo labada kooxood haddii ay ka qeybqaadan waayaan wadahadallada ammaanka ee la qorsheynayo.

Balse mid ka mid ah weriyayaasha BBC-da ayaa sheegay in kooxda Machar aanay oggolayn wadahadallao fool ka fool ah.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan