Dagaal ka socda magaalada Bentiu ee South Sudan

South Sudan Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Tan iyo bishii December, waxaa South Sudan ka socda dagaal sokeeye

Dagaal aad u xog badan ayaa ka socda magaalada Bentiu ee dalka South Sudan, iyadoo ciidammada dowladda ay isku dayeen in ay dib u qabsadaan.

Weriye BBC-da oo ku sugan xarunta Qaramada Midoobey oo dibedda ka ah magaaladaasi ayaa sheegay in uu maqlay rasaas aad u culus oo la isu adeegsanayay.

Waxaa uu sheegay weriyuhu in ciidammada dowladda ee doonayay inay qabsadaan maagalada dib loo soo celiyay.

Bentiu oo ah magaalo qani ku ah shidaalka ayaa dhowr jeer la kala qabsaday tan iyo bishi December ee sanadkii la soo dhaafay marki uu billawday dagaalka South Sudan.

Saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka South Sudan, Colonel Philip Aguer Panyang, ayaa sidoo kale BBC-da u sheegay in wadahadallada nabadda ee mucaaradka iyo dawladda ay weli socon doonaan.

Madaxweyne Salva Kiir ayaa toddobaadki la soo dhaafay sheegay in uu wada hadallo toos ah la yeelan doono hoggaamiyaha mucaaradka, Riek Machar.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan