Dhinacyada S. Sudan oo wadahadal ogol

Image caption Ban Ki-moon, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon, ayaa maanta booqasho ku tegay dalka South Sudan, waxaana uu halkaa kula kulmay Madaxweynaha dalkaasi, Salva Kiir.

Ban Ki-moon ayaa booqashada kaddib warbaahinta u sheegay in Madaxweyne Kiir iyo ninka dagaalka kula jira, horayna u ahaa ku xigeenkiisa, Riek Machar, ay u xaqiiijiyeen in ay si fool ka fool u kulmi doonaan.

Kulankaasi ayaa lagu wadaa in magaalada Addis Ababa uu ka dhaco maalinta Jimcaha ah.

Ban Ki-moon waxa uu intaas ku daray in Riek Machar uu usheegay in hada uu joogo howdka balse uu isku dayi doono in uu ka qeyb galo wadahadalka Jimcaha dhacaya.

South Sudan ayaa bishii December 2013-kii waxaa ka qarxay dagaal, kadib markii madaxwayne Kiir uu ku eedeeyay Machar in uu maleegayay afgambi.

In kabadan hal milyan oo qof ayaa ku barakacay dagaalka ka socda dalkaasi.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan