Abaalmarin uu ku dhawaaqay Booliiska Nigeria

Lahaanshaha sawirka AFP

Booliiska dalka Nigeria, ayaa ku dhawaaqay abaalmarin in la siin doono ciddii gacan ka gaysata sii daynta in ka badan laba boqol oo gabdhood oo iskuulkii ay dhiganayeen laga afduubay.

War ka soo baxay xarunta booliiska ee caasimadda Abuja ayaa sheegay in abaalmarinta lacageed la siin doono cidii keenta war sugan oo keeni kara in la tago goobta lagu hayo ama lagu soo badbaadin karo gabdhaha la afduubay bil ka hor.

Kow iyo toban gabdhood oo kale oo laga keenay tuulooyin kale oo ka tirsan gobolka maalintii Axadda. Maraykanka ayaa u diray Nigeria koox khubarro ah oo gacan ka gaysata sidii loo soo heli lahaa gabdhaha.