USA: Boko Xaraam way "qaab daran tahay"

Obama Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Obama ayaa cambaareeyay kooxda Boko Xaraam

Madaxweynaha marayanka Barack Obama aya ku tilmaamay kooxda Boko Xaraam ee Nigeria inay yihiin "koox qaab daran".

Obama ayaa sheegay in kooxdan ay si joogta ah maalin walba dhibaato ugu geysato noolosha dadka Nigeria.

Waxaa uu sheegay in afduubka in ka badan 200 oo gabdhood ay tahay arrin ku qaadi karto in calamka uu hal meel iska taago sidii wax looga qaban lahaa kooxdaas.

Maraykanka ayaa sheegay inuu khubaro u dirayo dalkaasi Nigeria si ay gacan uga siiyaan in dib loo soo celiyo gabdhahaasi.

Kooxda Boko Xaraam ayaa afduubtay gabdho kale oo sideed ah iyadoo beesha caalamka iyo dowladda Nigeria ay isku dayayaan inay kuwii hore soo celiyaan.

Muuqaal uu soo saaray hoggaamiyaha kooxdaas Abubakar Shekau ayuu ka digay inay iibin doonaan gabdhaha ay afduubka u haystaan.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan