Doorasho ka billaabatay South Africa

South Africa Lahaanshaha sawirka nscpa
Image caption Dadka ayaa u dareeray doorashadii ugu horreysay tan iyo geeridii Mandela

Dalka koonfur Afrika, waxaa ka billaabatay doorashadii ugu horeysay ee guud tan iyo markii uu geeriyooday hoggaamiyihii hore ee dalkaas Nelson Mandela.

Markii ugu horaysay, ayaa da'yar aanan soo gaarin nidaamkii midib takoorka ahaa ay codkooda dhiibanayaan.

Xisbiga talada haya ee Africa National Congress, ANC, aya lagu wada in uu ku guulaysto doorashada.

Balse waxaa jiro cabashooyin ka dhan ah ANC oo ay ka mid yihiin musuqmaasuq iyo in si xun uu u maamulay dhaqaalaha dalka.

Muddo 20 sano aya ka soo wareegtay tan iyo markii la soo afjaray nidaamkii midib takoorka 1994-kii.

Balse waxaa la sheegayaa in dalku weli ka jirto saboolnimo ba'an.

Xisbiyada mucaaradka, oo qaarkood ka go'een ANC, ayaa la sheegayaa inay iyaguna shacbiyad leeyihiin, inkasta oo aanay ka guulaysan karin xisbiga talada haya ee ANC.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan