Xisbiga ANC oo guul loo saadaalinaya

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Tirinta waraaqaha codbixinta dalka Koonfur Afrika.

Xisbiga ANC ee haya talada dalka Koonfur Afrika ayaa ilaa haatan ku horreeya codadka la tiriyay ee doorashaddii guud ee dalkaasi ka dhacday maalintii arbacada ahayd, sida ay muujinayso natiijada horudhaca ah.

Ilaa haatan waxaa la xisaabay boqolkiiba 25 codadkii la dhiibtay, waxaana xisbiga ANC uu helay boqolkiiba 57.3 halka xisbiga kale ee ku soo xiga ee DA uu helay boqolkiiba 29 codadkii la tiriyay.

Xisbiga ANC ayaa la saadaalinayaa in uu doorashada si weyn ugu guuleysto, waxaana dadka ka faalooda arrimaha dalkaasi ay sheegayaan in haddii xisbiga ANC uu helo wax ka yar boqolkiiba 60 guud ahaan codadkii la dhiibtay ay arrintaasi ku noqonaysa xisbuga wejiggabax.

Guddiga doorashooyinka dalkaasi ayaa sheegay in doorashadu ay u dhacday si nabdoon.

Tirada dadkii u soo baxay in ay codadkooda dhiintaan ayaa lagu sheegay boqolkiiba 72, iyadoo 25 milyan oo qof oo cod bixiyayaal ah ay horey isku diiwaan geliyeen.

Doorashada oo markii ugu horreysay ay ka qayb qaateen dhalintii dhalatay kaddib markii uu dhamaaday nidaamkii midab takoorka sanadkii 1994 ayaa ka dhacday 22,000 goobood dalka oo dhan.

Doorashadaan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee dalkaasi ka dhacda tan iyo markii uu geeriyooday madaxweynihii ugu horreeyay dalkaasi ee Nelson Mandela.