Kiir iyo Machar oo Addis Ababa gaaray

  • 9 Maajo 2014
South Sudan
Dagaallada South Sudan ayay ku barakaceen ugu yaraan hal milyan ruux.

Labada hoggaamiye ee ku loollamaya South Sudan, madaxweyne Salva Kiir Mayardit, iyo hoggaamiyaha fallaagada, Riek Machar, ayaa gaaray Addis Ababa, iyadoo la filayo inay saacado yar kaddib kulmaan.

Labada hoggaamiye ayaa shir isugu imaanayo marki u horreysay tan iyo marki dagaallada dalka South Sudan ay billaabmeen bishi December ee sanadkii la soo dhaafay.

Maraykanka ayaa sheegay in uusan raja ka qabin in uu xal ka dhalan karo wadahadalladan.

Dagaalladan ayay kumanaan qof ku dinteen iyadoo ugu yaraan hal million ruux ay ku barakaceen.

Qaramada Midoobay ayaa labada dinac ku eedeeysay in ay gaysteen dambiyo ka dhan ah aadanaha.

Waxaa la filayaa in wadahadalladan ay u horseedaan in dagaalka la joojiyo, labada dhinacna ay awoodda qeybsadaan.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan