Buundo ay qarxiyeen Boko Xaraam

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Hogaamiyaha kooxda Boko Xaraam

Dadka degan Waqooyiga bari ee dalka Nigeria ayaa sheegayo in koox looga shakisan yahay Boko Xaraam ay burburiyeen buundo kale oo muhiim ahayd, waana tii labaad oo muddo laba maalin gudahooda.

Meesha ay buundada ku qarxiyeen ayaa u dhow goobtii laga afduubtay in kabadan 200 oo gabdhood.

Tallaabada kooxdan ayaa u muuqato farsamo cusub oo ay isugu deyayaan inay ku xaddidaa tallaabooyiinka lagu soo furan karo gabdhaha.

Haddii ciidamada Nigeria ama dad kale ay doonaan inay ciidan aad u badan geeyaan goobta gabdhaha laga qafaashay, waxay mari karaan dhulka oo keli ah. Hadaba goynta goobihii lamari lahaa waxay dhibaato weyn ku noqon kartaa kooxaha raadinta gabdhaha ka qeybgalaya.

Buundadan ugu dambeysay ee kooxda ay dumiyeen waxayn isku xire muhiim u ahayd laba magaalo oo ku yaalla waqooyiga bari ee dalka Nigeria oo ay aad u saameeyeen weerarada kooxaha mayilka adag.

Qof degan meel u dhow buundada la qarxiyay ayaa sheegay in sidoo kale guryihii halkaasi ka dhowaa la gubay.

Laba maalin kahor, buundo ku taallay cirifka meesha qabdhaha iskuuleyda laga afduubtay ayaa dhulka la dhigay, halkaas oo sidoo kale lagu dilay in ka badan 300 oo qof oo rayid ahaa.