Afti laga qaadayo dadka bariga Ukraine

Image caption Aftida ay bariga Ukraine ka qaadayaan mucaaradka

Dalka Ukraina, waxaa wali soconaya diyaar garowga afti maanta oo axad ah la qorsheynayo in ay ka dhacdo magaalada Donetski ee bariga dalkaasi.

Madaxa guddiga doorashooyinka ee deegaankaasi Roman Lyagin ayaa sheegay in aysan jirin baahi dhanka mutadhawaciinta ee ka caawinaya guddigani qaban-qaabada aftidaan ay uga madax bannaanaanayaan xukumadda Kiev.

Arrinta oo muddo soo socotay ayaa dowladaha reer galbeedka ay diidan yihiin, iyadoo xukuumadda Moscow ay ku baaqeyso inaan la qabanin.

Dowladaha reer Yurub iyo Mareykanka ayaa horey cunnaqabateyn u saaray shaqsiyaadka hor kacaya aftida iyo shaqsiyaad ku dhow madaxweynaha Ruushka.

Kooxaha daacadda u ah Ruushka ayaa sheegay inay ka go'an tahay qabashada aftida, aysanna jirin cid ay kala tashanayaan.

Balse Putin ayaa kol hore u sheegay kooxahan inay joojiyaan qabashada aftida si wadahadal loo qabto oo lagu soo afjarayo xiisadda bariga dalka Ukriane.

Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee dalkaasi Ukraine Oleksandr Turchynov ayaa uga digay dadka gobollada bariga dalkaasi in aysan madax-bannaani u codeynin.

Waxa uuna sheegay in aftidaasi ay soo qaban qaabiyeen maleeshiyaadka hubeysan ee ku sugan Donetsk iyo Luhansk ay yihiin kuwo iskooda isu burburinaya.