Qarax ka dhacay Baydhabo

  • 12 Maajo 2014

Ugu yaraan kow iyo toban qof ayaa dhintay in kabadan labaatan kalena waa ay ku dhaawacantay qarax ka dhacay Baydhabo.

Wariyaha BBC ayaa sheegaya in lala beegsaday gaari siday gudoomiyihii hore ee Baydhabo.

Gudoomiyaha ayaa badbaaday laakiin waxaa dhintay askar ilaalinaysay iyo rayad.

Lama oga cida ka danbaysay qaraxa laaakiin Alshabaab ayaa dhowr jeer ku qaaday weerar magaalada.