Doorashada Hindiya

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Doorashada guud ee Hindiya ayaa ku eg maanta.

Maalintiii ugu danbaysay ee doorashada guud ee Hindiya ayaa dad badan ay codaynayaan,iyadoo gobolka galbeedka Bengal halkaasoo in kabadan afartan boqolkiiba ay dhiibteen codadkooda duhurnimadii.

Waxaa isha lagu hayaa magaalada Varanasi ee gobolka Uttar Pradesh, halkaasoo Narendra Modi uu ku horeeyo tartanka isagoo noqon doona Ra'iisalwasaare hadii uu ku guulaysto kursigiisa baarlamaanka.

Waxaa tartanka kula jiro Arvind Kejriwal, oo caan ku ah la dagaalanka musuqmaasuqa.

Natiijada ugu danbayso waxaa lagu dhawaaqi doonaa Jimcaha, laakiin natiijado hordhac ayaa la filayaa maanta oo Isniin ah.