Dagaal culus oo ka dhacay Buulo Xaawo

Somalia
Image caption Ciidammada Midowga Afrika weli ma gaarin Buulo Xaawo.

Ugu yaraan 10 ruux ayaa ku dhimatay dagaal ka dhacay degmada Buulo Xaawo ee gobolka Gedo kadib.

Waxaa la sheegayaa in halkaas ay ku dagaallameen ciidammo ka tirsan Dowladda iyo dagaalyahanka Ahlu Sunna wal Jamaca.

Wararka ayaa waxay intaa ku darayaan in labada dhinac ay hub culus isku weydaarsadeen magaalada.

Goobjooge ayaa sheegay in magaalada ay cidlo tahay iyadoo dadka ay u qaxeen dhanka xasiloon, qaarna aysan guryahooda ka soo bixin.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan