UN oo cambaareysay qaraxa Baydhabo

Soomaaliya, Kay
Image caption Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo cambaareeyay qaraxa Baydhabo

Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa cambaareyay weerarkii bambaano ee dadka badan ay ku dhinteen ee ka dhacay magaalada Baydhabo.

Warbixin ay soosaareen Midawga Afrika ayaa lagu sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen 19 ruux.

Qaraxaasi ayaa maalin ka hor ka dhacay bangi ku yaala magaalada Baydhabo, koonfur-galbeed Soomaaliya.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, waxaa uu sheegay in ay ka argagaxeen awooda qaraxaasi.

Waxaana uu ku baaqay in dadkii falkaasi gaystay la horgeeyo cadaalada.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa magaalada Baydhaboiyo kala wareegay Al-Shabaab labo sano ka hor.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan