Wiil Soomaali ah oo si "mucjiso ah" ku badbaabay

Muse Dayib Lahaanshaha sawirka dayib family abc
Image caption Muse Dayib ayaa badbaaday inkasta oo uu ka soo dhacay dabaqa 11-aad

Wiil hal sano jir ah, oo Soomaali ah, oo ka soo dhacay dabaqa 11-aad, ayaa badbaaday.

Muse Dayib, waxaa uu ka soo dhacay guri ku yaalla magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, Maraykanka.

Dhakhaatiirta daweynaysa wiilkan yar, ayaa sheegay in wiilka xaaladissu ay adag tahay balse ay degan tahay.

Waxaa uu dhaawac ka soo gaaray sambabaha iyo madaxa.

Waxaa kale oo ay Dhakhaatiitu sheegayaan in dhowr meelood oo gacanta ah uu ka murgacday.

Dhakhaatiirta, ayaa sheegay inay ku rajo weyn yihiin inuu ka kici doono dhaawacyadan.

Qoyska wiilka dhalay, ayaa sheegay inay la yaab ku noqotay in uu badbaaday.

Dhakhtar ku takhasusay qalliinka, ayaa sheegay in qofka weyn uu dhimanayo haddii uu ka soo dhaco guri ka sarreeya toddoba dabaq.

Balse, waxaa uu leeyahay jirka yar ee wiilkan ayaa badbaadiyay.

Wiilka, ayaa sidoo kale ku soo kor dhacay meel aan adkayn, oo ay yaalleen haraaga alwaaxyo.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan