Tirinta codadka doorashada India

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Doorashada India

Waxaa bilaabatay tirinta cododka doorashadii dalka India ka socotay shanti todobaad ee la soo dhaafay.

Tirada hordhaca ah ayaa saadaalineysa in uu guul gaari karo isbaheysiga mucaaradka ee BJP, ee uu hoggaamiyo Narendra Modi.

Taageerayaasha xisbiga ayaa dabaaldagya ka dhigaya dibada xaruntooda dhexe ee ku taalla caasimada New Delhi.

Gudiga doorashada India ayaa sheegaya in 66.38% dadkii is diiwaangaliyay ay codkooda dhiibteen.

Waxaa doorashadaasi codkooda ka dhiibtay 551 milyan oo codbiyayaal ah, kuwaas oo ka codeeyay 1.8 milyan xarumood.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan