Arsenal oo ku guulaysatay koobka FA-ga

Lahaanshaha sawirka NA
Image caption Kooxda Arsenal oo ku guulaysatay koobka FA-da

Gool uu dhaliyay ciyaaryahan Aaron Ramsey, waqtiga dheeraadka ah ayaa Arsenal u suurtagaliyay in ay ka gudbaan sagaal sano oo koob la’aan ah.

Arsenal, ayaa ka soo kabsatay 2 gool oo ay kooxda Hull City dhalisay daqiiqadaha hore ee ciyaarta.

Ciyaarta ka dhacday garoonka Wembley ayaa aheyd mid xiiso gaar ah leh, maadaama ay Arsenal doonaysay in ay soo afjarto koob la’aanta haysay mudada dheer, halka kooxda Hull City-na ay niyadda ku haysay in ay koobka la hooyato.

Kooxda The Gunners, ayaa loo saadaalinayay in ay koobka qaado balse waxaa looga naxsaday goolal ay dhaliyeen James Chester iyo Curtis Davies, iyadoo 8-dii daqiiqo ee ugu horreysay ciyaarta ay kooxda Hull City muujisay ciyaar aad u soo jiidatay dadkii daawanayay.

Laad xor ah oo uu dhaliyay Santi Cazorla, inta aanay dhamaan qeybta hore ee ciyaarta ayaa Arsenal u soo celiyay rajada guusha, ka hor in aanu Laurent Koscielny, dhalinin daqiiqada 71-aad goolka barbarada.

Arsenal ayaa ciyaar qurux badan la soo baxday waqtiga dheeraadka ee lagu daray ciyaarta kaddib markii 90-ka daqiiqo ay labada kooxba isla dhaafi waayeen 2-2.

Aaron Ramsey, ayaa gool ay ku diirsadeen kooxda Arsenal dhaliyay daqiiqo markii ay ka harsan tahay gebagebada waqtiga dheeraadka ah ee ciyaarta.

Arsenal ayaanan qaadin wax koob ah muddo 9 sano ah, iyadoo ay ugu dambeysay koob ay ka qaaday 2005-tii kooxda Manchester United, kaddib markii ay rigoorayaal ku tuntay kama dambeysta koobka FA-ga.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan