Dagaal ka socda Banghazi

Wararka ka imaanaya Libya ayaa sheegaya in dadka ku dhintay dagaalka ka dhacay Benghazi ay gaarayaan in kabadan toddobaatan.

Milatariga Libya ayaa ku dhawaaqay inaan diyaaradaha aysan dul mari karin magaalada, afhayeenka baarlamaanka ayaa sheegay in ninka hogaaminaya dagaalka, Khalifa Haftar, uu isku dayayo inuu rido dowladda.

Mr Haftar, ayaa sheegay inuu sii wadi doono ololihiisa la dagaalanka waxa uu ugu yeeray argagixisada si uu uga saaro Banghazi, wuxuuna sheegay inuu taageero ka haysto dadka reer Banghazi.

Dad badan ayaa ka qaxaya galbeedka magaalada, taasoo noqotay meesha ay ku dagaalamayaan maliishiyo islaamiyiin ah iyo ciidamada Mr Haftar.