Shir lacag loogu codsanayo S/Koonfureed

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Salva Kiir iyo Riek Machar ayaa saxiixay heshiis nabadeed bishan horaanteedii.

Norway ayaa qabanaysa maanta shir caalami ah oo lacag loogu aruurinayo dalka S/Koonfureed. S/Koonfureed ayaa waxaa haysta cunto yari ay keentay dagaal socda tan iyo dhamaadka sanadkii hore.

Madaxweyne Salva Kiir, ayaa BBC u sheegay inay muhiim tahay in hayadaha gargaarka loo ogolaado inay ka shaqeeyaan waddanka.

Wuxuu ka codsaday hogaamiyaha mucaaradka Riek Machar, inuu sameeyo wax walba oo uu awoodo si loo joojiyo dagaalka.

Mr Kiir wuxuu sheegay in S/Koonfureed ay soo food saarayso cunto yari.