Diyaarado duqeeyay degmada Jilib

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Wararka laga helayo magaalada Jilib ee gobolka Jubada dhexe ayaa sheegaya in diyaarad nooca dagaalka ay duqaysay tuulooyin hoos yimaada degmada.

Ugu yaraan sadex qof ayaa ku dhimatay, iyadoo ugu yaraan lix qofna ay ku dhaawacmeen.

Jilib iyo deegaanada la xiriira ayaa Xarakada al-Shabab ay ku xoog badan tahay.

Waana markii labaad ee todobaadkan gudihiisa oo la duqeeyo degmada Jilib.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa u sheegay BBC in sadex qof ay dhimatay iyadoo ilaa lixna ay ku dhaawacmeen weerarka.

Ciidamada Kenya ayaa galay Soomaaliya sanadkii 2011 si ay u caawiyaan dowladda Soomaaliya iyo ciidamada midowga Africa oo dagaal kula jira maleeshiyada al-Shabab.