Joyce Banda oo dhaleecaysan tirinta codadka

Lahaanshaha sawirka AFP

Madaxwaynaha dalka Malawi, Joyce Banda, ayaa ku baaqday in gacanta si deg deg ah loogu xisaabiyo natiijada doorashada ee todobaadkan ka dhacday dalka, iyadoo soo jeedisay eedo ah in lagu shubtay.

Waxay sheegtay in natiijada qaybo ka mid ah ee musharixiinta qaar ay ku guulaysanayaan tiro ka badan codadka u diiwaangashan xarumaha codbixinta qaar.

Saraakiisha doorashada ayaa sheegay in nidaamka codtirinta ee kombuyuutarka uu fariistay, ayna ku qasbanaadeen in ay isticmaalaa fax iyo email.

Guddiga doorashada ayaa cabashada Mrs Banda beeniyay balse wuxuu guddigu qirtay in ay dhibaatooyin jiraan.