Bangigii u dambeeyay Maraykanka oo xiraya akoonka xawilaadaha

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Laba hay'adood oo caalami ah Oxfam iyo Adeso, (African Development Solutions), ayaa ka digay in nolosha kumanaan Soomaali ah ay khatar ku jirto.

Waxaa sabab u ah koontooyinka shirkadaha xawilaadda Maraykanka, oo la qorshaynayo in la xiro dalka Maraykanka.

Mid ka mid ah Bangiyadii ugu dambeeyay ee la macaamili jiray shirkadaha lacagta u xawila ee dalka Maraykanka oo la yiraahdo Merchants Bank of Californi, ayaa ku dhawaaqay in uu joojin doono in uu shirkadaha la macaamilo wixii ka dambeeya bisha June.

Sanadkii hore ayaa Soomaaliya waxaa gaaray ilaa sadex billion oo doolar oo lacago la xawilay ah, taas oo ka badan dhamaan lacagta gargaarka oo la isku daray.

Soomaalida ayaa ku tiirsan lacagta Soomaalida qurbaha ku nool ay u diraan dalka, maadaama Soomaaliya aysan ka jirin bangiyo rasmi ah oo ka shaqeeya dalka.