Qarax kale oo ka dhacay Nigeria

Lahaanshaha sawirka AFP

Ugu yaraan todoba iyo labaatan qof, ayaa ku dhintay weerar ka dhacay magaalo ku taalla waqooyi bari ee dalka Nigeria oo looga shakisan yahay in ay ka dambeeyeen kooxda Boko Haram.

Magaalada, Alagarno, oo ku taalla gobolka Borno ayaa u dhow halka labada boqol ee gabdhaha iskuulayda ah laga afduubay in ka badan shan todobaad ka hor.

Waxay timid saacado kadib markii laba bomb oo mataano ah ay ku qarxeen magaalada Jos ee gobolka Plateau kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan boqol iyo sideed iyo toban qof.

Waxaa wali socda baadigoobka maydka dadka oo burburka laga hoos raadinayo.

Weriye BBC uga soo warama Nigeria, ayaa sheegay in aysan jirin astaan muujinaysa in xukuumadda ay wax ka qaban karto ololaha rabshadaha arxandarada ah.