Waxba kama soo bixin shirka Thailand

Lahaanshaha sawirka AP

Dalka Thailand shir deg deg ah, oo loo qabtey hogaamiyayaasha siyaasadda ee dalka kadib markii ciidamadu ay ku dhawaaqeen xukun milateri, ayaa ku dhamaaday go'aan la'aan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxa ciidamada (General Prayut Chan-O-cHA) oo ku dhawaaqey in dadkii shirka ka soo qebgaley ay guryahooda ku laabtaan oo ay ka soo fakiraan sidii xal loogu heli lahaa qalalaasaha siyaasadda ee dalka ka jira.

Xubno ka tirsan dowladda iyo mucaaridka, ayaa shirkaa ka soo qeyb galey.

Weriyayaashu waxa ay sheegayaan in aan weli la hubin cidda dalka ka talisa.