Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Walwal laga muujiyay horumarka Soomaaliya

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Wakiilka xog guud ee UN ee somalia Nicholas Kay ayaa wareysi bbc ay la yeelatay wuxuu wal wal ka muujiyey sida loogu guuleysan karo fulinta qorshihii lagu tala galay,siiba in doorashado ay ka dhacdo somalia 2016.

Nicholas kay ayaa barri khamiista khadka video wuxuu warbixin ku siin doonaa xubnaha golaha ammaanka ee New York.

Inkastoo uu wal wal muujiyey haddana Mr Kay dhinaca kale wuxuu ka hadlay arrimo ku jiray qorshihii hore oo qaddar horumar ah laga gaaray,khaas ahaan siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga somalia,inkastoo buu yiri horumarkaasi aanu gaarsiisneyn heerkii loo baahnaa.

Tifaftiraha BBC Somali Cabdiraxmaan Koronto, oo wareystay wakiilka xoghayaha guud, ayaa marka hore waydiiyey arrimaha hortaagan ee caqabadda ku noqday in xowligii la rabay uu ku socdo qorshihii Soomaaliya loo dejiyey.