Maraykanka oo askar u diray Nigeria

Lahaanshaha sawirka US AIR FORCE
Image caption Militariga hawada ee dalka Maraykanka

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in askar militari oo gaaraya 80 ay u dirtay Arbacadii dalka Chad si ay gacan uga geystaan baadi goobka loogu jiro in ka badan 200 oo gabdhood oo ay kooxda Boko Haram ka afduubatay dalka Nigeria.

Gabdhaha ayaa waxaa laga afduubtay iskuulkii ay dhiganayeen oo ku yaalla meel tuulo ah ku dhowaad bil iyo bar ka hor.

Dhinaca kale qaraxyada iyo weerrarada ka dhacaya waqooyi bari ee Nigeria ayaa sii kordhinaya walaaca dhinaca ammaanka ah ee ka taagan dalkaasi.

Mareykanka ayaa u diray dalka Chad ee deriska la ah waddanka Nigeria ciidamo dheeraad ah si ay gacan uga geystaan baadi goobka dhinaca hawada sare ah ee loogu jiro gabdhaha la afduubtay.

Balse waxa jirta cabsi ah in gabdhaha la kala qeybiyey oo kooxo kooxo loo kala qaaday, sidaasi darteedna ay adkaan karto in la ogaado halka lagu hayo in la badbaadiyo iskaba daaye.

Warqad uu u qoray gollaha Congreska ee Mareykanka ayuu madaxweyne Obama waxa uu ku sheegay in ciidanka ay sidoo kale gacan ka geysan doonaan dhinaca xog uruurinta, waxayna adeegsan doonaan diyarado dul hehaabi doona waqooyiga Nigeria.

Gudaha Nigeria, waxa soo baxaya cadeymo dheeraad ah oo muujinaya in kooxda Boko Haram ay ka go'an tahay in ay sara u sii qaado ololaheeda rabshadaha ah.

27 qof ayaa todobaadkan lagu dilay laba weerar oo ka dhacay laba degaan oo badiya ah oo ka tirsan gobolka Borno.

Boko Haram, ayaa looga shakisan yahay in ay ka dambeysay bambooyin lagu qarxiyey magaalooyinka Jos iyo Kano oo ay ku dhinteen in ka badan 200 oo qof.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan