Af gambi ka dhacay Thailand

Mid kamid ah askarta Thailand. Lahaanshaha sawirka AFP GETTY

Madaxa ciidamada ee wadanka Thailand General Prayut Chan-O-Cha, ayaa talafeshin-ka qaran-ka kaga dhawaqay in ciidammadu ay la wareegeen maamulkii wadan-ka. Wuxuuna sheegay in uu dabada ka riixi doono isbadalo siyaasadeed in ay ka dhacaan dal-ka.

Ku dhawaaqitaan kaasi waxaa uu yimid wax yar kadib mar kii hogaamiyeyaasha siyaasadda ay ciidamdu la tageen ayaga oo ka qaybgalaya kulan looga hadlayay xaalada siyaasadeed ee waddan kasi.

Ciidamadda ayaa bilaabay inay kala eryaan dibadbaxayaasi iska soo horjeeday, ee fadhiisinada ka samaystay qaybo kamid ah magaalada caasimada u ah Thailand ee Bankok.

Wadan-ka waxaa lagu soo rogay xaalad dagdag ah, waxaana la'laalay darsuur-kii dalka.