Taageerayaasha Assad oo la laayay

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Taageera yaasha Madaxwayne Bashaar al-Assad

Wararka ka imaanaya Suuriya ayaa sheegaya in ciidamada jabhaddu ay weerareen taageerayaasha Madaxwayne Bashar Al Assad meel ay kasocotay ol'ole doorasho.

Weerarkaas waxaa ku dhintay ugu yaraan labaatan qof waxaa na ku dhaawacmey tiro kale oo dad ah. Warabaahinta dawladda suuriya waxay sheegtay in madaxwayne Assad uu san ka qayb galin ol'olihi dhoorashada ee laguqabtay koonfurta magaalada Deraa habeenimadi khamiista. Qolyaha Xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqa oo korka kala socda xaalada suuriya fadhigooduna yahay Britain waxay sheegeen in weerarka ay gaysteen jabhaddaha islaamiga ah, islamarkaana dadka kudhintay badankoodu ay ahaayeen shacab.