ICC: Dagaal ooge 12 sano lagu xukumay

Congo Warlord Katanga Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Congo Warlord Katanga

Maxkamada dambiyada dagaalka ee ICC, ayaa labo iyo taban sano oo xabsi ah ku xukuntay, Germain Katanga, oo ah dagaal ooge loo haysto gaboodfallo ka dhacay dalka Congo.

Maxkamadda, ayaa ku heshay dambi ah in ciidamada uu watay ay dad rayid ah laayeen, isaguna uu isdhigtay oo uusan waxba ka qaban.

Katangala, waxaa uu hadda xabsiga ku jiraa muddo lix sano taas oo laga jari doono inta sano ee lagu xukumay. Lix sano oo kale ayuu sii xirnaan doonaa.

36 jirkaas bishii March waxaa lagu xukumay in xoogagiisu ay toban sano kahor xasuuqeen boqolaal dad ah oo dagan tuulada Ituri oo qani ku ah dahab-ka.

Waxay ku taallaa gobol-ka waqooyi ee Jamhuuriyada Dimuqraadiga ah ee Congo.