Pakistan: Sharif oo Modi calemo saaraya

Image caption Bidix Rai'sal wasaaraha India Modi iyo dhigiisa Pakistan Sharif

Saraakiisha Pakistan waxaa ay sheegeen in Rai'sal wasaare Nawaz Sharif uu ka qayb gali doono caleemo saar ka Raisal wasaaraha cusub ee Hindiya ay dooratay Narendra Modi.

Sharif waxaa uu aqbalay casuumaad loo soo diray si uu uga qayb galo caleema saar ka oo Isniinta la qabanayo.

Booqashadani waxaa ay noqon doontaa tii koobaad ee Rai'sal wasaare labada dal mid kood uu ka qayb galo xalfad dhigiisa loo qabanayo tan iyo markii ay kala qayb sameen.

Modi oo ka socda xisbiga BJP ayaa si aqlabiyad ah oogu guulaystay doorashadii todobaad kii hore Hindiya ka dhacday.

Casuumaadda uu u fidiyay Sharif-na waxaa ay muujinaysaa isbadal lataaban karo oo xisbigiisu uu ku sameeyay siyaasadooda ku aadan Pakistan.