Koonfur Afrika: Caleemo saarka Zuma

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Madaxwaynaha Koonfur Afrika Jocob Zuma

Madaxwaynaha Koonfur Afrika Jocob Zuma ayaa xafiis ka loo dhaariyay maanta markii labaad, arintaasina waxaa ay dabo socotaa guushii ay xisbigiisu ka heleen doorashada.

Xisbigiisa The African National Congress (ANC) ayaa guul wayn ka gaadhay doorashadii guud ee wadan kaasi ka dhacday 7 May.

In kabadan afar kun oo ergo ah ayaa ka qayb galay Xalfadda oo ka dhacday Pretoria, dad kaas waxaa ku jira madaxwaynaha Zimbabwe Robert Mugabe iyo madaxwayne yaal kale.

Maraykan ka iyo Uk Midna uma dirin ergo ooga qayb gasha, balse saraakiil kasocota Ruush ka Shiinaha iyo Hindiya ayaa ka qayb galay.

Madaxwayne Zuma waxaa si rasmi ah loogu doortay Arbacadii in uu xil ka qabto mar kii labaad.