Doorashada Madaxweynenimada ee Ukrain

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Saldhigyada codaynta ayaa ka furmay inta badan waddanka.

Dadka reer Ukrain ayaa dooranaya Madaxweyne inkastoo ay jiraan mucaarad bariga waddanka.

Ma jiraan saldhigyo codayn oo laga furay magaalada Donetsk. Saldhigyada qaar ayaa waxaa la wareegay kooxo hubaysan oo doonaya inay ka go'aan Ukrain, waxayna u hanjabeen shaqaalaha doorashada.

Wariyaha BBC ayaa sheegaya in dowladda Ukrain ay ka walwalsan tahay xaalada bariga Ukrain, iyagoo doonaya in madaxweynaha waddanka oo idil laga soo doorto.

Saldhigyada doorashada ayaa sidoo kale xirnaa magaalada Luhansk oo ay mucaaradka ay joogaan, laakiin waxaa lagu soo waramay inay furnaayeen meelaha kale ee bariga Ukrain.

Siddeed iyo toban musharax ayaa ku tartamaya wareega koowaaad. Hadii uu qafna heli waayo in kabadan konton boqolkiiba codadka, wareeg labaad ayaa la qaban doonaa laba toddobaad gudahood.