Xanuun Geela ku dhaca oo la baarayo

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Nin afka duuban oo hortaagan geel wadan ka sacuudiga

Cilmi-baarayaal, ayaa baaritaanno ku samaynaya cudur ka Habdhiska-Neefsashada ku dhaca ee Mers oo Bariga Dhexe dad badan ku laayay.

Waxay isu diyaarinayaan in ay ka baaraan bisadaha iyo Eeyda bal in iyaguna ay cudurkaasi qabaan.

Saynis yahanada ka qayb qaadanaya shirka Caafimadka xoolaha oo ka socda caasimada Faransiiska ee Paris, ayaa BBC u sheegay in cilmi-baaristooda ay ku kordhin doonaan xayawaanada dab-joogta ah.

Cudurka MERS, oo markii u horaysay la helay labo sano ka hor, ayaa adduunka oo dhan ku dilay labo boqol oo qof.

Virus-kaasi dhaliya caabuqa, waxaa la og yahay in bilowgiisii lagu arkay Geela, laakiin Saynisyahanadu hadda waxaa ay aaminsan yihiin in mid ka halissan uu ku jiro xayawaano kale.