Ciidanka Itoobiya oo lagu weeraray Caato

Shabaab
Image caption Al-Shabaab ayaa weerar ku soo qaadday degmada Caato

Dagaal culus oo ka dhacay degaanka Caato ee xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen ugu yaraan 30 ruux.

Al-Shabaab ayaa la sheegayaa inay weerar ku soo qaadday ciidammada Itoobiya ee ku sugan magaalada.

Guddoomiyaha degmada Caato Dubbad Xasan Cali ayaa sheegay in goor dambe habeenkii la soo weerary magaalada.

Dubbad ayaa sheegay in khasaare ballaaran uu soo gaaray labada dhinacba, oo dhankooda ay ka dhinteen ugu yaraan 28 ruux.

Guddoomiyaha Caato ayaa sheegay in xubnaha Al-Shabaab ay maydkooda ku qaateen baabuur ay wateen.

Ururka Al-Shabaab ayaa laga saaray inta badan magaalooyinka muhimka ah ee Soomaaliya, balse waxay weli maamulaan dhul ballaaran oo ka tirsan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan