Doorashada Masar oo bilaabatay

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Codaynta doorashada madaxweynenimada Masar.

Codbixinta doorashada labada maalmood ee madaxweynenimada Masar ayaa bilaabatay. Madaxii hore ee ciidamada Abdul Fattah al Sisi, ayaa ugu horeeyay dadkii codeeyay.

Sisi oo loo malaynayo inuu ku guulaysto doorashada ayaa taageerayaashiisa ay soo dhaweeyeen.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay kadib xasilooni darro ka dhalatay markii xukunka laga qaaday madaxweyne Morsi.

Ku dhawaad laba boqol oo kun oo boliis iyo ciidamo ayaa waddanka oo dhan ka howlgalaya.

Wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa beenisay war warbaahinta dowladda ay sheegtay, in qarax uu ka dhacay mid ka mid ah saldhigyada codaynta.