Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dalxiiska Kenya oo hoos u dhacay

Dowladda Kenya ayaa qaaday tallaabooyin ay ku wanaajineyso waaxdeeda dalxiiska ee ay dhibaatadu kasoo gaartay weerarrada ka dhacaya dalka.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa sheegay in dowladdiisu ay yaraysay canshuurtii ay ka qaadi jirtay tigidyada diyaaradaha dalxiiska, kharashaadka laga qaado diyaaradaha markii ay ka soo degaan garoomada kala duwan ee dalka, iyo weliba lacagta lagu bixiyo goobaha laga galo beeraha xayawaanka duurjoogta ah ay ku nool yihiin.

Ammaanka Kenya ayaa xumaaday tan iyo markii ay ciidammadeeda ka tallaabeen soohdinta Soomaaliya si ay ula dagaallamaan ururka Al-shabaab, waxaana dalka ka dhacay qaraxyo badan oo lagu eedeeyay kooxda.

Weriyaha BBC-da Anne Soy ayaa warbixintan ku eegeysa saameynta ay weerarrada ka dhaca Kenya ku yeesheen dhaqaalaha dalka.