Masar oo doorasho ka billaabatay

Masar Lahaanshaha sawirka Other
Image caption Goobaha codbixinta ayaa furmay dalka Masar

Masar waxaa ka billaabatay doorasho madaxtinimo oo ah tii ugu horreysay tan iyo markii xukunka laga tuuray Maxamad Mursi.

Ammaanka ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoo ugu yaraan 200,000 oo askari ay wardiyaynayaan goobaha codbixinta.

Wasiirkii hore ee difaaca Cabdal-Fataax al-Sisi iyo siyaasiga garabka bidix Xamdin Sabaxi ayaa ah labada musharax ee kaliye oo u taagan doorashada.

Waxaa aad loogu maleynayaa in Cabdal-Fataax al-Sisi uu ku guuleysan doono doorashada,

Taas ayaa dib ugu soo celineeyo jagada ugu sarreysa dalka in uu qabto xubin milatari ah saddex sano kaddib markii Xusni Mubarak laga tuuray madaxweynanimada.

Waxaa jiray baaqyo ah in shacabka reer Masar ay cododkooda dhiibtaan si dalka uu u xasilo.

Cabdal-Fataax al-Sisi ayaa xukunka ka tuuray madaxweynihii hore ee dalkaas Maxamad Mursi, kaddib dibedbaxyo ballaaran oo dalkaas ka dhacay.

Ururka Ikhwanul Muslimiinka ee uu Mursi ka tirsan yahay ayaa ku baaqay in doorashada aan laga qeyb-galin.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan