Soomaaliya oo diiday shirka dib u celinta qaxootiga

Somaalida Kenya
Image caption Howlgalka Kenya ayaa lagu xiray ama lagu dhoofiyay boqolaal Soomaali ah

Shir maanta Nairobi lagu qaban lahaa oo looga hadli lahaa dib u celinta qaxootiga ayaa baaqday kaddib markii ay Soomaaliya sheegtay in aanay ka qeybgali doonin.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in xaaladda haatan ay ku sugan yihiin qaxootiga Soomaaliyeed aanay u saamaxayn inay ka qeybgasho shir ka dhacaya Kenya.

Warqad ay soo qortay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya oo BBC-du heshay ayaa lagu sheegay in xiritaanka iyo dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed aysan waafaqsanayn xeerarka caalamiga ee qaxootiga.

Xirirka Kenya iyo Soomaaliya ayaa u muuqda inuu saamayn ku yeeshay howlgalka ciidammada Kenya ay ka wadaan xaafadda Islii ee ay Soomaalidu ku badan tahay.

Kenya ayaa ilaa haatan dib u celisay dhowr boqol oo ruux oo Soomaali ah oo ay sheegtay inay dalka sharci darro ku joogeen.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan