Dad ku dhintay dagaal ka dhacay Ukraine

Garoonka diyaaradaha ee Donest Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Dagaal culus ayaa la sheegayaa inuu ka socda garoonka diyaaradaha ee Donetsk, bariga Ukraine

Xubno ka tirsan dowladda Ukraine ayaa sheegayo inay dib u qabsadeen gegida diyaaradaha ee magaalada bariga ku taalla ee Donetsk ee bariga dalkaasi.

Sikastaba, weriyayaal ka tirsan BBC-da oo ku sugan duleedka xarunta lagu dagaalamay ayaa sheegaya in weli la maqlayo dhawaqa hubka culus ee labada dhinac ay is weydaarsanayaan.

Kooxaha gooni u goosadka ee daacadda u ah Ruushka ayaa xaqiijiyay in 30 kamid ah xubnaha u dagaallamayay.

Waxay sheegeen in dowladdu adeegsanayso diyaaradaha qumaatiga ee Helicopterrada.

Dagaalkan ayaa imaanayo maalin kaddib markii Petro Poroshenko uu sheegay inuu ku guuleystay jagada madaxweynaha.

Petro Poroshenko ayaa sheegay inuu soo afjari doono qalalaasaha ka taagan bariga Ukraine.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan