Al-Shabaab oo sheegatay qaraxii Djibouti

Lahaanshaha sawirka AFP

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay in ay ka dambeysay weerarka lagu qaadya maqaayad ku taallay Djibouti habeenkii Sabtida, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan sadex qof.

Laba ka mid ah dadka dhintay ayaa loo malaynayaa in ay yihiin kuwii is qarxiyay.

Dhowr qof oo kale ayaa ku dhaawacmay, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah ay ahaayeen afjnabi.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay bartilmaameed u ahaayeen quwadaha Faransiis iyo reer galbeed kale sababo la xiriira falalka ay ka gaystaan dalalka Muslim-ka ah ee Africa.

Waxaa kaloo al-Shabaab ay ku eedaysay Djibouti, oo ay ku yaallaan tiro saldhigyo military oo ajnabi uu leeyahay in ay u ogolaadeen khuwado reer galbeed ah in ay dhulkaada ka weeraraan Muslimiinta.

Djibouti ayaa ciidamadeedu ka mid yihiin kuwa Midowga Africa ee jooga Soomaaliya oo la dagaalamaya Al-Shabaab.