US oo ciidamo ku reebaysa Afghanistan

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Madaxweynaha Mareykanka, Barrack Obama

Madaxweynaha Mareykanka, Barrack Obama ayaa sheegay in ciidan tiradiisu ku dhowdahay 10 kun ay sanadka soo socda kasii joogi doonaan dalka Afghanistan, xilligaasi oo uu dhammaanayo howlgalka milateri ee uu Mareykanka ka wado dalkaasi.

Obama oo hadalkan ka jeediyay aqalka cad ayaa intaa ku daray in ciidanka Mareykanka ee Afghanistan ku hari doona ay shaqadoodu ahaan doonto la talin iyo ka caawinta la dagaalanka argagixisada.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in ciidankaasi tiradooda la dhimi doono dhamaanka 2015-ka, ayna intooda badan Afghanistan ka bixi doonaan sanadka xiga:

Mr Obama ayaa sheegay in qorshahan uu qeyb ahaan ku xiran yahay heshiis dhanka ammaanka ah oo ay kala saxiixdaan Mareykanka iyo Afghanistan, heshiiskaasi oo uu sheegay in labada musharax ee ku tarmatamaya madaxtiminada dalkaasi ay ogolyihiin.

Ciidanka Mareykanka ayaa ka bilaabay howgaladiisa dalka Afghanistan 2001-dii waqtigaas oo xulafo reer-galbeed ah ay xukunka ka tuureen ururka Taalibaan, Obama waxa uu ballanqaaday in gebi ahaanba ciidanka Mareykanka laga soo saarayo Afghanistan meesha lagu gaaro 2017-ka.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan